MAXAA MUFAKIR DUGIN U AHAA BARTIL- MAAMEEDKA SIRDOONKA GALBEEDKA.



Aleksandr Dugin, waa saynisyahan siyaasadeed iyo mufakir, waa hormuudka taageeraha Fikradda Eurasianism ee Ruushka casriga ah waxaana lagu qiyaasaa inuu saameyn ku leeyahay Fikaradda is ballaarinta Ruushka ee Putin garwadeenka ka yahay.


Qarax gaari oo ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Moscow ayaa lagu dilay Daria Dugina, oo 29 jir ahayd axadii, oo ahayd wariye iyo gabar uu dhalay saynisyahan siyaasadeed iyo mufakir Aleksandr Dugin waana dhacdo ilaa maanta warbaahinta aduunka aad u wadwado.

Adeegga Amniga Federaalka ee Ruushka (FSB) former KGB ayaa Ukrain ku eedaysay dilka, eedeynta mas’uuliyiinta Ukraine ayaa beeniyay.


Waxyaabo looga shakisan yahay in ay yihiin walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay Gaariga Toyota Land Cruiser Dugina oo wadatay, sida ay sheegeen baarayaal Ruush ah. Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa ku warameysa in Dugin oo 60 jir ah uu ahaa bartilmaameedka , isagoo sheegay in kaliya uu badbaaday ka dib markii uu bedelay gaarigiisa daqiiqadii ugu dambeysay, taasoo keentay in la dilo gabadhiisa.


Laakiin maxaa Mufakir Dugin u ahaa bartilmaameed?





Dugin waa taageere caan ah oo uu leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Badanaa waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ultranationalist, Dugin wuxuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho Moscow qoraaladiisu kaas oo inta badan diiradda saaraya fikradda dib-u-kicinta Ruushka.


Waxa uu muddo dheer u ololaynayey midaynta dadka ku hadla afka Ruushka iyo dhulalka kale ee boqortooyo cusub oo Ruush ah, isaga oo ugu yeeray Eurasianism.


Buuggiisa 1997, "Aasaaska Geopolitics: Mustaqbalka Geopolitical ee Ruushka", Dugin wuxuu si aad ah u dhaleeceeyay saameynta Mareykanka ee Eurasia wuxuuna ugu baaqay Ruushka inuu dib u dhisto awoodiisa gobolka wuxuuna u ololeeyay burburinta dhulka quruumaha kale.


Buuggiisu waxa uu ku qoran yahay liisaska wax-akhrinta ciidanka, laakiin ma jirto wax muujinaya in Dugin uu waligii saamayn toos ah ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Ruushka.


Saamaynta Dugin ee Putin ayaa sidoo kale ahayd mawduuc la isla dhexmarayo, iyada oo qaar ka mid ah kormeerayaasha Ruushka ay caddeeyeen in dhaqdhaqaqiisa uu yahay mid muhiim ah oo qaar badan ay ku tilmaameen mid aad u yar, maadaama uusan xiriir rasmi ah la lahayn Kremlin


Fikradda Eurasianism.




Fikradda Eurasianism, oo uu ugu horreeyo Dugin, ayaa ahayd mid ka mid ah fikradaha ugu caansan agagaarka Kremlin-ka. Falanqeeyayaal badan ayaa ku eedeeya inuu yahay Faashiste Ruush ah, laakiin taasi uma muuqato inay meesha ka saarayso saamaynta uu haysto.


Waxaa inta badan loogu yeeraa “maskaxda Putin”, sababtoo ah mawqifkiisa arrimo dhowr ah ayaa laga fahmi karaa si hoose tallaabooyinka ay qaaday Moscow. Duulaanka militari ee Ukraine waa mid ka mid ah arrimahan, kaas oo Dugin uu muddo dheer ku doodayay.


Fikirka Dugin ee Eurasianism wuxuu saadaaliyay abuurista Boqortooyada cusub ee Yurub-Aasiya, kaas oo doonaya in uu mideeyo dhammaan dadyowga ku hadla afka Ruushka ee deggan dhammaan jamhuuriyadihii hore ugu hoos jiray xukunkii Soofiyeedka ee hal waddan iyo isbahaysiga quruumaha kale ee Aasiya.


Saynisyahanka siyaasadiisa waxa uu ugu yeera “Ururka Yuurasia” ama “Ruushka Weyn”, laakiin xuduudaheeda wali lama qeexin. Dugin wuxuu aaminsan yahay in caalamiyismka, oo hoos yimaada hoggaanka Mareykanka, ay khatar ku tahay Ruushka, Eurasia iyo ilbaxnimada kale aduunka.


Waxaa jiray wakhti uu Dugin u arkayay Putin inuu yahay hogaamiye qaadi doona dariiqa Eurasia, laakiin sax ma noqon doonto in lagu calaamadiyo saynisyahanka siyaasadeed inuu yahay naqshadeeyaha fikradeed ee Ruushka ka dib.


Culimadu waxay lahaayeen aragtiyo kala duwan, kuwaas oo qaarkood u arka ​​Dugin's Eurasianism inuu yahay naqshad juquraafiyeed si ay awood ugu siiso Moscow inay ka takhalusto dhulalkii hore ee Soofiyeedka.


Habkan fikirka gaarka ah waxaa lagu arki karaa shaqada taariikhda Soofiyeedka Lev Gumilyov, kaas oo xididdada Ruushka ka raadiyay Aasiya, halkii uu ka ahaan lahaa Yurub, sida taariikhyahanno kale oo badan iyo aqoonyahanno kale sameeyeen.


Dugin, sidoo kale, wuxuu adeegsadaa falanqaynta Gumilyov si uu ugu doodo qaabkiisa siyaasadeed ee ka soo horjeeda reer galbeedka, isagoo Ruushka gelinaya safka hore si uu u difaaco sababaha kaliya ee aan ahayn wadamada Slavic ee Bariga Yurub, laakiin sidoo kale wadamada Aasiya, oo ka soo horjeeda waxa uu ugu yeero Galbeedka exorta ah ama nidaamka hantiwadaaga.


Eurasianiyiinta, Dugin afkaartiisa la dhacsan waxa ay aaminsan yihiin haddii iska hor imaad noocaasi ahi dhaco, Galbeedka, oo ku jira niyad jab, kama soo bixi karaan guul ka dhan ah isbahaysiga Yuurasia ee Ruushku hoggaamiyo.


Aamiin maxau'd Guuleed.