Qiso Jacayl oo dhaba.





Laabtayda waxa ku Duugan 

Dushaanay ka muuqanayne 

Hadaan furo dibnahayga

Dadkaan ceshadeen ilmada


Waa erayo kamida heesta u ugu qaadey qisada isaga iyo jacaylkiisa dhexmartey waana hees xanbaarsan dareen dhaba.

Waa hoobalka caanka ah ee #Abdirisak_anshax oo asagu awal qaadi jirey heesaha dareenka leh balse maanta asaga ay ladaristey qiso xanuun badan balse ugu danbayn guulaysatey.


Abdirisak anshax iyo gabadha ay wadageen nolosha quruxda badan waxay isku barteen magaalada Hargaysa barasho dheer kadib waxay wada jileen jacayl xad dhaafo oo ku dhisnaa isqadarin, isxushmayn,iyo isfahan qoto dheer balse gabadha familkeeda oo qoys culimo ah kasoo jeeday markii ay arintaas maqleen ma aysan jeclayn in gabadhooda uu guursado nin fanaana taasina waxay keentay in ay rajo beel ku rido da'yartii sanadaha badnayd ubaxyada iyo fariimaha quruxda badan is waydaarsan jirey hamigooduna ahaa in ay nolosha uwada qaybsadaan siwada jira.