Poland iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa saxiixay qandaraas ku saabsan sahayda taangiyada, diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda.



iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Yurub kala dhexeysa Ruushka ,Qandaraaska, oo lagu saxiixay Poland Jimcihii, waa hishiiska ugu waynaa taariikhda Dal Asia ku yaal uu hub kaga iibiyo wadan ku yaal Qaaradda Yurub iyo kii ugu macaashka badnaa hal dal hub lagaga gado marka Maraykanka iyo Ruushka laga tago last 30 years.


Hyundai Rotem Co. iyo Hanwha Defence Systems Corp ayaa qeyb ka ah heshiis dhameystiran oo dhanka hubka ah oo ay labada shirkadood oo laga leeyahay Kuuriyada Konfureed ayaa heshiis ku kacaya 5.76 bilyan oo dollar la saxiixday Poland si ay u dhoofiyaan diyaaradaha, taangiyada iyo maraakiibta,sida ay sheegtay wakaaladda soo iibinta hubka ee Seoul Sabtidii maanta,kadib markii Warsaw ay ogolaatay inay sare u qaaddo soo dejinta hubka iyadoo ay jirto xiisad ka dhexeysa Ruushka.


Qandaraaskan oo Jimcihii lagu kala saxiixday dalka Poland ayaa qeyb ka ah heshiiskii ugu weynaa ee dhanka hubka ah oo ay la gashay Kuuriyada Koofureed bishii lasoo dhaafay, taasoo dooneysay inay ku xoojiso ciidamadeeda ka hortagga duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.

Dhinacyadu ma aysan shaacinin qiimaha heshiiska oo dhan, kaasoo warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ay ku qiyaastay ilaa KRW 20 trillion (USD 15 bn) Balse inta hada sida rasmiga loo kala saxiixday waa 5.76 billion halka sanadka dambe gaari doono $15 billion


Maadaama dhoofinta difaacu ay aad muhiim ugu tahay dhanka wadaagga nidaamka hubka, taageerada saadka ee labada dhinac iyo xoojinta isbaheysiga amniga, heshiiskan dhoofinta ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto dadaallada aan ku dhiseyno midnimada wadamada Yurub iyo ballaarinta xuduudaha awoodeena amni, "ayuu yiri Mr DAPA oo uu saxiixay dhinaca Poland 🇵🇱.


 ■Xoojinta awoodda difaaca■




Poland waxay ogolaatay inay iibsato 180 taangi oo K2 ah, 212 xabo howitzers ah iyo 48 diyaaradood oo FA-50 ah sida uu dhigayo heshiiska. Qandaraaska jimcaha ayaa daboolaya qaybta koowaad, DAPA ayaa tiri, iyada oo aan faahfaahin laga bixin tirada. Heshiiska diyaaradaha ayaa la filayaa inuu yimaado bisha soo socota.


Duullaanka Ukraine, oo Ruushku ugu yeeray "hawlgal milateri oo gaar ah," ayaa sare u qaaday cabsida amni ee dalal badan oo hore u ahaan jiray Bariga Afrika.

Xubinta NATO ee Poland ayaa wacad ku martay inay sare u qaadi doonto kharashaadka militariga ilaa 3 boqolkiiba wax soo saarka guud ee gudaha iyo in ka badan laba jibaarka tirada ciidankeeda si ay uga hortagto weerar kasta.


Kuuriyada Koonfureed si ay u kordhiso iskaashiga milatari ee Yurub Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, oo xafiiska la wareegay bishii May, ayaa wacad ku maray in uu xoojin doono iskaashiga amniga ee dalalka Yurub ee wadaaga qiyamka dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha suuqa, iyada oo kor loo qaadayo warshadaha difaaca ee dalka iyada oo ay sii kordhayso khatarta nukliyeerka iyo militariga Waqooyiga Kuuriya.


Madaxweyne Yoon ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee Kuuriyada Koonfureed ee ka qayb gala shir madaxeedka NATO ee ka dhacaya Spain bishii June isagoo goobjooge ah, isaga oo ka digay khataraha qiyamka reer galbeedka.


South Korea ayaa ah wadamada ugu tayada sareeya Saanada difaaca taangiyada, technology iyo samaynta maraakiibta oo ay kaalinta 2aad ee aduunka kaga jirto, sidoo kale Taangiga ay ku fanaan Wadama EUROPE 🇪🇺 UNION laguna farsameeyo Wadanka Germany leopard 🐆 loo yaqaan waxay Germany iska kaashadaan Wadanka South Korea, sidoo kale Warshadaha Hubka Turkey 🇹🇷 badanaa waxay hishiis kula jiraan Seoul gaar ahaan dhismayaasha maraakiibta waa wayn ee Ciidanka.


amiin ma'ed guled