Liverpool iyo man United aya ku dhamatay 1:2 ay gushu ku raacday man United




Ciyaar dhex martay labada koxood ee aadka u xifaaltama ee Liverpool iyo man United aya ku dhamatay guul ay raacday kooxda shayadinta cascas.


Shayadiinta cas cas aya dhigooda reds 2:1 ku xaaqay guul darro xanuun badana dusha u sartay.



Daqiiqaddi 16' sancho aya shabaqa banooni uu ku laday ku xaqiijiyay goolki ugu horreyey ee ciyaarta ka dib baas uu ka helay xiddiga A.Elanga , sancho aya dhulka ku xaaqay numberkana ka qortay xiddiga khadka ka dhexe ka dheela ee milner.





Daqiiqaddi 24' waxa kaarka digniinta la siyay xiddiga arlond ka dib khalad uu ku galay elanga.


Daqiiqaddi 27' waxa kaarka digniinta la siiyay xiddiga varane ka dib khalad uu ku galay m.salah.


Daqiiqaddi 45' waxa kaarka digniinta la siiyay xiddiga dalot ka dib khalad uu ku galay L.diaz.


Daqiiqaddi 53' waxa goolka quusta reds iyo guusha shayadinta cascas dhaliyay xiddiga wacadaraha ka dhigay garoonka ee rashford ka dib banooni baas dheer ah oo uu ka helay dhiggiisa martial , rashford orodkii uu ka bilaabay dhexda ayuu shootaha la galay kuna dhaliyay goolki guusha shayadinta cascas.




Daqiiqaddi 81' waxa goolka rajada u keenay kooxda Liverpool m.salah balse ma noqon mid guul keena ciyaartiina sidaas ayay ku dhamaatay.


sidoo kale Laacibka Ronaldo ayaan laguso bilaabin ciyaarta oo dib laga keenay ayado laso galiyay daqiiqaddi 86' , wuxuuna dheelay 7' daqiiqo bas.


Dhammaad.

W/Q- salah farah.